

Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha oo maanta laga xusayo dunida dacaladeeda, ayaa noqotay munaasabad muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ku soo beegmeyso xilli Soomaaliya ay tallaabooyin horumar leh ka qaaday dhismaha nidaamka ilaalinta, kor u qaadista iyo xaqiijinta xuquuqda muwaadiniinteeda. Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo uu ku muujinayo qadarin, bogaadin iyo dhiirrigelin u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku ammaanay doorka bulshada ee ku aaddan dib u dhiska hayโadaha xuquuqda aadanaha iyo xoojinta dawladnimada.
Raโiisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u xusay in dawladdu ay mudnaanta koowaad siisay dhismaha nidaam sharciyeed iyo mid maamul oo awood u leh in uu ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta, lagana hortago dhammaan xadgudubyada lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed.Isagoo ka hadlayay muhiimada maalintan ayuu yiri:โSoomaaliya waxaa ka goโan Geeddi-Socodka Xuquuqul Insaanka. Waa tiir muhiim u ah dhismaha dawlad sharci ku dhisan, waana mid ka mid ah jaangooyooyinka siyaasadeed oo dalka ka caawinaya in uu uga gudbo xasaradihii soo maray, una tallaabsado mustaqbal xasilloon, cadaalad leh, kuna dhisan kalsooni bulsho.
โMudane Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya aysan maanta ku ekaan saxiixa heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, balse ay si buuxda ugu gudubtay marxalad muhiim ah oo ay heshiisyadan u beddeshay xeerar qaran oo lagu dabaqo hayโadaha dowladda, degmooyinka, iyo dhammaan heerarka maamulka. Arrintan ayuu ku tilmaamay mid sare u qaadaysa kalsoonida muwaadinka, isla markaana abuuraysa jawi sharci oo oggolaanaya in qof walba uu helo xuquuqdiisa aasaasiga ah.Sanadkan xuska Xuquuqda Aadanaha ayaa ku soo beegmaya xilli xukuumadda Dan Qaran ay qaaday tallaabo taariikhi ah, taas oo ah dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, guddigaas oo ay horay u ansixiyeen golaha Baarlamaanka Federaalka, halka maanta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si rasmi ah u saxiixay, taasoo dhammaystirtay heerarkii sharciyeed ee guddigu ku shaqayn lahaa.Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddigan cusub uu noqon doono hayโad muhiim u ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyadoo loo asteeyey awood madax bannaan, hab-raacyo cad, iyo hannaan lagula xisaabtamo hayโadaha dowladda markay dhacaan xadgudubyo ama cabashooyin la xiriira xuquuqul insaanka.Wuxuu intaa ku daray in guddigu uu gacan ka geysan doono dabagalka, warbixinta, iyo ka hortagga falalka siyaasadeed ama amni ee dhaawici kara xuquuqda dadka Soomaaliyeed.Raโiisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre waxa uu si qoto dheer u sheegay in dowladda Dan Qaran ay xoogga saartay tayaynta hayโadaha muhiimka ah ee u qaabilsan ilaalinta iyo fulinta sharciga. Waxaa ka mid ah:
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, oo lagu xoojiyay tababaro, qalab casri ah iyo shaqaale khibrad leh.
Taliska Ciidanka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha loo diyaariyey in ay ka hortagaan xadgudubyada loo geysto shacabka.
Hayโadaha Garsoorka, kuwaas oo la kordhiyay madaxbannaanidooda, isla markaana la casriyeeyay habraacyadooda si ay u noqdaan kuwo u adeegaya cadaaladda.Raโiisul Wasaaraha ayaa ku nuuxnuuxsaday in laamaha amniga iyo garsoorku ay maanta ka awood badan yihiin sidii hore, si ay tallaabo sharci waafaqsan uga qaadaan fal kasta oo ah ku xadgudub xuquuqda aadanaha. Wuxuu sheegay in dowladda aysan oggolaan doonin in muwaadin Soomaaliyeed lagu tuntay xaqiisa, loona baahan yahay in bulshada iyo dowladda ay si wadajir ah u ilaaliyaan qiimaha biniโaadannimada.Ugu dambeyntii, Raโiisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan midnimada, nabadda, iyo wadajirka, maadaama xuquuqda aadanaha ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarka bulsho kasta. Wuxuu carabka ku adkeeyay in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu dhisayo nidaam shaqeeya oo u hoggaansan dastuurka iyo mabaadiโda xuquuqul insaanka ee caalamiga ah.



