MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “DHALLINYARO SIDA AAD CIYAARAHA…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga
qeybgalay Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in isu-soobaxa kumannaanka kun ee daawanayey ciyaarta ay muujinayso nabadda iyo xasilloonida amni ee caasimadda,

Madaxweynaha oo hambalyo u diray labada degmo ee Howlwadaag iyo War-Sheekh ee isugu soo haray dhammaadka Koobkan ayaa sheegay in la xaqiijiyey yoolkii isdhexgalka bulsho iyo adkaynta midnimada shacabka Soomaaliyeed ee ay salka ku hayaan qabashada tartannada ciyaaraha, waxa uuna soo bandhigay sida isu-soobaxa kumannaanka kun ee Caasimadda ku daawanayey ciyaarta ay caddayn u tahay in si nabdoon ay codkooda u dhiiban karaan, markii la gaaro doorashada Goleyaasha deegaanka ee Caasimadda.

“Dhallinyaro sidaad ugu soo baxdeen ciyaarta kubadda cagta ugu soo baxa doorashooyinka dhawaan ka bilaaban doona degmooyinka Gobolka Banaadir, si aad u soo doorataan dadka idiin matali kara danahiinna iyo deegaankiinaba, waxaad haysataan fursad, go’aanka gacantiina ayuu ku jiraa ee doorta hoggaankiinna”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu hambaleeyey ciyaartooyda, macallimiinta, maamulka iyo taagereyaasha degmada Howlwadaag ee ku guulaystay Koobka, isaga oo bogaadiyey anshax wanaagga iyo hufnaanta tartan ee ay muujiyeen dhammaan ciyaartooyda, macallimiinta iyo taagerayaasha kooxaha oo idil.

DHAMMAAD

Yasin Haji
Yasin Haji
Articles: 25

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Xogsugeโ€”meaning โ€œthe one informedโ€ or โ€œthe bearer of newsโ€โ€”reflects our mission to keep our community aware, engaged, and empowered.

Get in Touch
  • Location

    Italy

  • Email

    info@xogsuge.com

  • Phone

    252 0000000

eFutuux, All rights reserved.