MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LAGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika.

Shirkan taariikhiga ah ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka Bariga Afrika (EAC).

DHAMMAAD

Yasin Haji
Yasin Haji
Articles: 25

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Xogsugeโ€”meaning โ€œthe one informedโ€ or โ€œthe bearer of newsโ€โ€”reflects our mission to keep our community aware, engaged, and empowered.

Get in Touch
  • Location

    Italy

  • Email

    info@xogsuge.com

  • Phone

    252 0000000

eFutuux, All rights reserved.