Shirweynihi Nabadaynta soomaliyeed ee carta

Waxa aan maanta ka qeybgalay Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta anigoo xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele, dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay ka qaateen nabadaynta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodu waxay u aqoonsanyihiin una hayaan abaal qaran iyo mahadcelin aan la soo koobi karin.

Magaaadan Carta waxaa sanadkii 2000 salka loo dhigay dowladnimada aan hadda haysanno rukumadeeda asaasiga ah ee Jamhuuriyadda 3-aad, inaan yeelannay Baarlamaan, Xukuumad iyo Madaxweyne. Laga billaabo maalintaana waxa ay Soomaaliya si tartiib tartiib ah u buuxinaysay booska ay adduunka ku lahayd, ilaa ay maanta Soomaaliya fadhiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, innagoo ka talinayna xallinta mushkiladaha Caalamka. Waxa aan buuxinnay madal walba oo caalami ah oo dalkeenii ka maqnaa, goob kastana calankeennii buluugga ayaa maanta ka babanaya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti kuma aysan ekaan oo keliya hindisihii iyo martigelinta shirkii Carta ee ay ku garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed balse waxa ay sidoo kale u hureen dhiigooda, gaar ahaan Ciidamada geesiyaasha ah ee Hiil Walaal. Sida aan hore u sheegay walaaltinimada u dhaxaysa Soomaaliya iyo Jabuuti ma aha mid siyaasadeed oo kaliya, waa mid ka qotodheer oo aanay biyo dhaqi karin birna aysan goyn karin.

Si fiican ayaan u xusuustaa maadaama aan ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay shirkii Carta, sida walaalkey Madaxweyne Ismaaciil uu u muujiyey adkaysi iyo dulqaad markasta oo ay xaaladdu adkaato, isaga oo ay u dheereyd in uu dunida u sheego in Soomaaliya ay dib u heshay dowladnimadeedii, Erayadaas oo noqday kuwa can baxay oo abuuray rajo cusub iyo guusha aan maanta heysanno.

Dalkeenna wuxuu dagaal adag kula jiraa Daacish iyo Khawaarijta Al-Shabaab oo ah labo urur oo argagixiso Caalami ah, waxaana dowladda iyo shacabka Sooaamliyeed ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta, taas oo ay barbar socoto horumarinta dowlad dhiska, dajinta iyo hirgelinta hannaan dimuquraadiyadeed, hay’addo dowladeed oo sal adag leh iyo xoojinta iskaashiga Gobolka Geeska afrika.

Hadafkeenna siyaasadda waxaa udub-dhexaad u ah degganaan, joogtayn iyo hay’ado dhisan oo sharci ah. Maanta Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay inay ka gudubto siyaasadda qabiilka iyo midda shaqsiga. Waxaan dooneynaa in aan ka dhabeyno ballantii aan qaadnay ee ahayd in Dastuurkeenna ku-meel gaarnimada laga saaro oo doorasho qof iyo cod ah la qabto.

Waxa aan farriin halkan uga dirayaa shacabka Soomaaliyeed, hoggaamiyayaashiisa dhaqan, kuwa siyaasadeed, ganacsatadeenna, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haweenka. Waxa aan leeyahay walaalaheen reer Jabuuti waan uga mahadcelinaynaa wixii ay nala qabteen, maantase waajibka dibudhiska iyo horumarinta dalkeenna annaga ayuu na saaran yahay, cid kale ma sugayso, ee yeysan nagu dheeraan wadadaas.

Yasin Haji
Yasin Haji
Articles: 25

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *