Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ka Hadlay Musiibadii Doonta Ee Madagaskar Iyo Talaabooyinka Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay dhacdo naxdin leh oo ka dhacday agagaarka Nosy Iranja ee dalka Madagascar. Waxa uu daboolka ka qaaday in labo doonyood oo ay la socdeen tiro badan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ay degeen. Doonta koowaad waxaa saarnaa 32 rakaab ah, kuwaas oo 9 ka mid ah ay si naxdin leh ku naf waayeen, halka doontii labaad ay saarnaayeen 38 rakaab ah, iyadoo 15 ka mid ah ay nasiib darro ku naf waayeen.

Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii ku dhintay, wuxuuna Alle uga baryay dadkii ku dhaawacmay inuu caafimaad deg deg ah siiyo. Waxa uu shacabka u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay la shaqeyneyso heyโ€™adaha caalamiga ah ee ay khuseyso si loo xaqiijiyo in kuwa badbaaday ay si nabad ah ku soo laabtaan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kula dar daarmay dhalinyarada Soomaaliyeed inay garwaaqsadaan khatarta daran ee ka dhalan karta tahriibka. Wuxuu ku nuux-nuux saday khatarta ay leedahay in badda la maro iyo caqabadaha la xiriira safarrada aan badneyn iyo kuwa sharci darrada ah, isagoo ku dhiirri-geliyay dhallinyarada inay mudnaanta siiyaan ammaankooda oo ay fursado ka raadiyaan gudaha dalka.

Yasin Haji
Yasin Haji
Articles: 25

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Xogsugeโ€”meaning โ€œthe one informedโ€ or โ€œthe bearer of newsโ€โ€”reflects our mission to keep our community aware, engaged, and empowered.

Get in Touch
  • Location

    Italy

  • Email

    info@xogsuge.com

  • Phone

    252 0000000

eFutuux, All rights reserved.